Contact Information

Contact Information

SHIP Coordinator
Title

Fursad ah Deeq Yar oo Loogu Talagalay Bilida Caafimaadka Kiraystaha

Sections

Fiiro gaar ah: fursadan deeq-lacageedka looguma talagelin in lagu caawiyo bixinta kirada (gargaarka kirada). Haddii aad raadinayso caawimo xagga bixinta kirada, fadlan booqo Hennepin County Emergency Programs ama wac 844-803-8466 si aad u codsato gargaar degdeg ah oo waqti gaaban ah. Mahadsanid.

Guudmarka

Caafimaadku waxa uu ka bilowdaa guriga. Meesha aan ku noolnahay iyo sida aan u noolnahay waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin caafimaadka iyo fayoobida. Kordhinta helida cunto nafaqo leh, jimicsiga jirka, iyo goobo ka caagan sigaarku waxa ay caawiyaan hirgelinta fayoobida shakhsiga iyo beelo bulaala.

Waaxda Caafimaadka ee Bloomington [Bloomington Public Health (BPH)] waxa ay u fidinaysaa dhaqaale lacageed kireystayaasha iyo taakuleeyeyaasha ku taxaluqa beelaha ay kiraddu cuslayso ee Bloomington, Edina, iyo Richfield. Kiro cuslaynta macnaheedu waa in qoysku uu ku kharash gareeyo in ka badan boqolkiiba 30% dakhligiisa kirada.

Ku saabsan maalgelinta

Dhaqaalaha deeqdan-yari waxa ay ka timi Iskaashiga Hagaajinta Caafimaadka ee Gobolka oo dhan ah (SHIP), waxaana heli kara dadka ku nool deegaanada  Bloomington, Edina, iyo Richfield. Hadafka mashruucan loo soo gaabiyo (SHIP) waa inuu ka hortaggo cudurada sida, kansarka, kuwa wadnaha, falaajaha, iyo Sonkorowga Nooca 2 (Type 2) iyadoo isla markaana la dhiiri gelinayo gabi ahaanba caafimaadka guud ee jirka iyo fayoobida xiska. Mashruucan loo soo gaabiyo (SHIP) waxa uu gargaaraa xalal ay beeshu wadato si arrintan looga dhigo suurtagal.

Dhaqaalaha waxaa maamuli doona hay’ada HOME Line (oo ah urur samafal ah oo taakuleeya kiraystayaasha oo u adeega dhamaan dadka dobolka Minnesota oo dhan, oo ku yaal Bloomington) waxaana loogu talagalay inuu ka caawiyo taakuleeyeyaasha iyo kiraystayaasha abuurida xalal ku saabsan helida guryaha oo beesha ku salaysan.   

Isticmaalka Dhaqaalaha: Mashruucyadu waa khasab inay u keenaan isbedeo faa’iido leh oo waara kiraystayaasha. Arrin hal mar dhacaysa ama mashaariicda mudadda dheer soconaysaa waxaa dhici karta inay helaan maalgelin haddii aad cadeyn kartid inay keeni karaan isbedelo faa’iido leh oo waara.  

Xajmiga Deeqda: $500 - $3,000

Mashaariicda hesha dhaqaalahu waxa ay diirada saari doonaan xeelado ah:

  • Isbedel dhaliya nidaamyo ama habab, u sahlaya in kireystaashu ay doortaan waxyaabo saxa u leh iyaga.  
  • Isbedel ku yimaada bay’ada ay kiraystayaashu ku nool yihiin iyadoo la kordhinayo helida cunto saxo leh, jimicsi jireed iyo hawo nadiif ah.
  • Diirad saarid kuwa iyagu leh baahida ugu weyn: qoysaska kiraddu culayska ku tahay ee dadyowga kala duwan kala soo kala jeeda.  

 

Laga bilaabo Agoosto 16, 2022, codsiyada ayaa lagu aqbali doonaa qaab wareeg ah, ayadoo la bixin doono taxaneyaasha waqtiyada loo cayimay codsiga. Maal gelinta waxaa lagu bixin doonaa, sida loosoo kala hormaro. Mareegyada codsiga ayaa dhammaan doona marka lacagta maal gelinta ah la qaybiyo, waxayna dhammaan karaan kahor waqtiga la cayimay ee Oktoobar 16.

  • Agoosto 16 – Sibteembar 15, 2022 (Wareega 1 aad)
  • Sibteembar 16 – Oktoobar 15, 2022 (Wareega 2 aad)
  • Oktoobar 16 – Nufeembar 15, 2022 (Wareega 3 aad)

Wadarta guud ee mashruucyada la filaayo in la maalgasho: 3 ilaa 5

Xiliga la filaayo in ogaysiiska abaal marinta lagu dhawaaqo:

  • Wareegga 1 aad: Sibteembar 26-30
  • Wareegga 2 aad: Oktoobar 24-28
  • Wareegga 3 aad: Nofeembar 23-30

Mudada maal gelinta:

  • Wareegga 1 aad: Oktoobar 2022 – Oktoobar 2023
  • Wareegga 2 aad: Nufeembar 2022 – Nufeembar 2023
  • Wareegga 3 aad: Diseembar 2022 – Diseembar 2023

 

Qoraaladda Codsiga Deeqda

Akhbaarta Deeqda iyo Shuruudaha: blm.mn/renterhealth

Soo Dirida Codsigaaga

Codsiyada deeqda waxaa lagu soo diri karaa emayl ahaan:  ship@bloomingtonmn.gov

Khadka (online) ka ee ah blm.mn/renterhealth

Haddii aad u baahan tahay inaad ku soo dirto codsigaaga emaylka ama aad u baahan tahay mucaawino kale si aad u soo dirto soo jeedinta mashruucaaga, fadlan kala xiriir Regan Reeck ee hay’ada HOME Line khadka ah 612-564-0135

 

Akhbaarta Deeqda

Mashaariicdu waa inay u sahlaan kiraystayaashu inay sameeyaan mid ama in badan oo ah kuwa soo socda:  

  • inay jimicsi sameeyaan,
  • ay cunaan cunto saxa leh,
  • ay ku noolaadaan meel aan sigaar lagu ag cabeyn,  
  • hagaajiyaan caafimaadkooda
  • kordhiyaan xiriiradooda beesha, ama
  • ay helaan guryo amaan ah, wacan, saxana leh.

 

Tusaalooyinka Hawlaha la Maalgelin Karo

Hawlahu waxaa inay ku salaysnaadaan baahida kiraystayaasha iyo ra’yigooda; fadhi talo aruurin ah oo lala qaato saamileyaasha ayaa waxaa dhici karta inuu caawiyo isku keenida fikrado. Abuurida mashruuc gargaara isbedel waara waxa uu ka duwanaan karaa mashruucyadda kale. Kuwani waa fikrado suurtagal ah in la helo:

  • Sameynta kooxo kiraystayaasha/xulafooyinku leeyihiin si loo kordhiyo xiriirada bulshada ama kuwa xaafada.
  • Siinta hogaamiyeyaasha ururada kiraystayaasha ee iminka jira tababar ku saabsan sida wax looga qabto arrimaha guryaha (bixinta kharashka tababaraha, cuntada/iyo/ama haynta ilmaha xilliga tababarka).  
  • Ogaanshaha baahida dadka danyarta ee kiraystayaasha ah iyadoo la sameynayo aftiyo, kooxo gaar wax u eega, ama wada hadal beeshu sameyso.
  • Siinta lacag yar oo raatib ah hogaamiyeyaasha kiraystayaasha si ay ugu abaabulaan, dhaqan geliyaan, una hogaamiyaan mashruucyada sida hawlaha iskuulka ka dib la galo dhallinyaradda deegaanka degan.  
  • Gadashada qalabka ciyaaraha iyo faya-dhowrka ee dhallinyarada/dadka waaweyn loogu talagalay si ay u amaahiyaan kiraystayaasha (caagaga kubada leh, garangarta, xargaha boodboodida, kubada miiska, saliga yoogada, iwm.)
  • Qaabeynta rug is-diiwaan gelineed waxa ay caawisaa barnaamijyada dibada ah sida goobaha Barxadaha iyo Faakihaysiga, ama Ilmanimada Hore ama Tacliinta Qoyska. 
  • Tababarida maamuleyaasha guryaha loo tababarayo mowduucyo ku saabsan sida dhex-dhexaadinada, maareynta khilaafaadka, ama cadaalad soo celinta. 

Si ay kaaga caawiso inaad ogaato in fikradaada la maalgelin karo in iyo in kale Tixgeli su’aalahan:

  • Ma soo jeedinyaa mashruucaagu inuu u adeegayo kiraystayaal ay si gaar ah u saameyeen caafimaad-darro, dhaqaale-darro ama sinaan la’aanta bulshada ah? 
  • Kiraystaasha danyarta ahi ma ku lug laheeyaan qaabeynta soo jeedinta?  
  • Dadka degaanku ma muujiyeen danayn ku saabsan mashruucan mise u aqoonsadeen inuu yahay mid baahi loo qabo?   
  • Maamulka gurigu guud ahaan ma taageersan yihiin mashruucan?  
  • Ma cabiri kartaa taabagalnimada ama saameynta soo jeedinta?
  • Mashruucu ma yahay mid suurta-geli kara kharash ahaan, taabagalna ah?  
  • Soo jeedinta ma ku jiraa qorshe awoodsiin kara mashruucu inuu sii socdo ka dib kolka maalgeinta hay’ada (SHIP) ay dhamaato?

Hay’ada (BPH) waxa ay ku dhiiri-gelisaa in kooxaha iskaashiga u wada shaqeeyaa ay dalbadaan deeqda. Fadlan la soo xiriir maamulayaasha shaqaalaha ah haddii aad u baahan tahay wax gargaar ah oo ku saabsan codsigaaga. Waxa aad soo dirsan kartaa in ka badan hal mashruuc si loo maalgeliyo, laakiin waa in mid walbaa uu ka soo baxaa shuruudaha ku xusan qaybta soo socota.

Regan Reeck, Xiriiriyaha Deeqdareganr@homelinemn.org

Wac ama Dhambaal (Text) ugu dir: 612-564-0135

Esther Mwangi, Xiriiriyaha (SHIP)ship@bloomingtonmn.gov 

Wac ama Dhambaal (Text) ugu dir 612-759-2633

 

Shuruudaha Guud ee Deeqda:  

Hoos waxaa ku xusan waxyaabaha la isaga rabo ka qaybgalka deeqda yar ee Hay’ada (SHIP):  

  • Balan-qaad ah qadarino ku saabsan dhalinta, abuurida, iyo ilaalinta habdhaqan cid walba soo dhaweeya.  
  • Hadii deeqda lagu siiyo, waa khasab inaad la dhamayso Qorshe Faleed shaqaalaha hay’adaha SHIP iyo HOME Line, ka hor inta aan dhaqaalaha la bixin.
  • Inaad u ogolaato shaqaalaha hay’adaha SHIP iyo HOME Line inay kula shaqeeyaan ayna ku caawiyaan haddii loo baahdo.  
  •  Dhigida 10%. Tusaale ahaan, haddii aad hesho $500 oo maalgelin ah, adiga ama cid aad wada wax qabsanaysaan waxa aad u baahnaan doontaan inaad ku maalgelisaan $50 mashruuca. Taa waxaa lagu gaari karaa deeq la mid kuwa aad heshay, qaaraan, kiraystaasha oo ugu tabaruca waqti mashruuca, iwm.
  • Warqad saxiixan oo gargaar oo laga keeno mulkiilayaasha ama maamulka guriga oo cadeynaysa inay og yihiin codsiga haddii la maalgeliyana ay sii wadi doonaan fidinta khayraadka. Warqadan waxaa la soo gudbin karaa kolka codsigaaga aad soo gudbinayso ama kolka lagu ogaysiin in deeqda laguu ogolaaday.   
  • Bixin ugu yaraan hal sheeko oo ku saabsan guulahaaga, oo ay suurta gal tahay inay isticmaasho hay’ada BPH ama Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Department of Health).
  • Ogolaasho ah in hay’ada (SHIP) ay isticmaasho wax walba oo aad ku soo saarto adigoo adeegsanaya dhaqaalaha hay’ada (SHIP) sida qalabka tababarka, aftida, iwm.  
  • Aad la gasho Warqad Heshiis hay’ada HOME Line si dhaqaalaha laguu siiyo.
  • Kolka dhaqaalaha la siiyo, deeq helayaashu kolaa waxa ay kala dooran karaan in loo soo cesho kharashka qalabka mashruuca ama ay sameeyaan codsi ay ku codsan dhaqaalaha. Ansaxin hore oo dhaqaalaha ah ayaa loo baahan yahay. Rasiidyada waxaa loo baahan yahay in loogu keeno hay’ada HOME Line 30 cisho gudahood kolkii wax la gato.

Shuruudaha War Shaacinta:

  • Deeq helayaashu waa inay adeegsadaan astaanta sumadda u ah hay’ada (SHIP) iyo oraahdan soo socota mar walba oo ay taasi suurtagal tahay oo ay isticmaalayaan aaladaha ay deeqdu maalgelisay: “Maalgelinta waxaa bixiyey Waaxda Caafimaadka ee Bloomington (Bloomington Public Health) iyo Iskaashiga Hagaajinta Caafimaadka ee Gobolka oo dhan ah.” 
  • U soo gudbin wax walba oo shaacin ah (xayeysiin, sumad, akhbaarta daabacan) shaqaalaha hay’ada (SHIP) ayaa la iska rabaa si ay u ansixiyaan

Shuruudaha Qiimeynta:

Mashruucyadu waxa ay u baahnaan doonaan inay lahaadaan qorshe qiimeyneed oo cabiri kara saameynta uu yeelan karo mashruuca la maalgelinayaa. Shaqaalaha hay’ada (SHIP) ayaa kaa caawinaya inaad qaabeyso aadna maamusho qorshaha. Qorshahani waxaa ku jiri kara afti gaaban ama wareysiyo lala yeesho xubno ka tirsan beesha ka faa’iidaysa mashruuca, qoraal taxaal ah oo la socda inta goor ee la isticmaalo, ama saameynada kale ee la cabiri karo ee ku saabsan mashruucaaga.