Contact Information

Contact Information

Utility Billing

Title

Dib u warshadaynta Qashinka Noolaha ee Qarka Waddada Qarkeeda

Sections

Laga bilaabo toddobaadka Maarso 7deeda, 2022, degganeyaasha hela adeegga qashinka iyo dib u warshadaynta ee Magaalada waxaa suurogal u noqon doonta in ay si sahlan qarka waddada ama dariiqa dib ugu warshadeeyaan qashinkooda noolaha (organics) si loo ridqo oo ciid looga dhigo. Qiyaas ahaan boqolkiiba 30 qashinka waxaa ku jira hambada iyo haraaga cuntada ka soo harta iyo walxo kaloo lagu ridqi karo barnaamijka dib u warshadaynta qashinka noolaha ee magaalada. Kharash dheeraad ah lama bixinayo si looga qayb qaato, laakiin is qoris ayaa loo baahan yahay si looga qayb qaato.

Marka aad is qorto ama is diiwaangeliso, waxaad heli doontaa kaariyoone ama gaari gacan 30 gaalan ah oo lagaa qaadi doono toddobaadkiiba mar isla maalinta qashinka. Haddii aad ku nooshahay guri dabaq ah, guri magaalo (town home) ama kondo aanan helin adeeg magaalo, eeg bogga dhigista qashinka noolaha si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.

Xeerasha Gurista ama qaadista

Xeerashan raac si aad u hubiso in qashinkaaga noolaha la qaado:

  1. Kala Sooc
    Ka saar hambadaada cuntada, bunkaaga ama kaafeegaaga ridqan, istiraashahaaga waaweyn, istiraashahaaga yar yar iyo qashinkaaga kale ee noolaha oo ku rid bac caag loo aqoonsaday in la ridqi karo ama warqad ah.
     
  2. Ku Rid
    Qashinkaaga noolaha ee aad bac gelisay ku rid gaari gacanka qashinka noolaha. Kartoonnada lagu keeno pizza-da iyo kartoonnada ukunta ee waraaqaha ah keligood ayaa lagu ridi karaa gaari gacanka.
     
  3. Rog rog (Kexee)
    Gaari gacankaaga dibadda dhig kama dambays 7da subaxnimo si toddobaadkiiba mar loo qaado isla maalinta la qaado qashinkaaga.

Is Qorista

Guji halkan si aad iskugu qorto internetka. Waxaad weliba is qori kartaa marka aad wacdo waaxda Biilasha Adeegyada guriga (Utility Billing) oo aad ka helayso lambarka 952-563-8726.

Marka aad is qorto ama is diiwaangeliso, waxaad heli doontaa kaariyoone ama gaari gacan 32 gaalan ah oo lagaa qaadi doono toddobaadkiiba mar isla maalinta qashinka. Waxaa is qori kara oo keliya degganeyaasha ku jira barnaamijka qashinka iyo dib u warshadaynta Magaalada. Haddii aad ku nooshahay guri dabaq ah, guri magaalo (town home) ama kondo aanan helin adeeg magaalo, eeg bogga dhigista qashinka noolaha si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.

Is qor kama dambays maalinta Diisembar 1deeda, 2021 si aad gaari gacankaaga qashinka noolaha u hesho kama dambays maalinta Maarso 7deeda. Haddii aad is qorto inta u dhexeysa Diisembar 1deeda – Abriil 1deeda waxaad gaari gacankaaga heli doontaa kama dambays bartamaha bisha Abriil marka ugu dambaysa. Dadka is qora ka dib maalinta Abriil 1deeda waxay gaari gacankooda u heli doonaan si joogto ah. Waxay caadi ahaan qaadan doontaa ilaa labo toddobaad si gaari gacannada loo keeno.

Faa'iidooyinka

Qashinka noolaha ee lagu guro barnaamijyada qarka waddada ama dhigista meel gaar ah waxaa la geeyaa xarun ridqis ama burburin oo ganacsi ah oo degaanka ku taalla waxaana dib loogu warshadeeyaa qashin ridqan (compost), walax nafaqo ka buuxdo oo loo isticmaalo qurxinta waxa dhulka ka soo baxa iyo mashaariicda dhismaha waddada si aan u wanaajinno ciiddeena.

Ka qaybqaateyaasha barnaamijyada dib u warshadaynta qashinka noolaha ayaa sheega in ay tahay hab si la yaab leh u fudud in waxtar loogu keeno. Waxaa laga helaa faa'iidada “dareen fiican”, oo waxay caawisaa deegaanka, waxayna si cad u yaraysaa qashinka.

Dib u warshadaynta qashinka noolaha ayaa:

Bixisa fursadda ugu fiican si aan u yarayno qashinkeena

Daraasadaha kalasooca qashinka, sida middii degmada Hennepin County ay qabatay sanadkii 2016, ayaa weli muujiya in walxaha ama shayada nooluhu ay qaybta ugu ballaaran ku leeyihiin qashinkeena – iyagoo u dhigma qiyaas ahaan boqolkiiba 25 durdurka qashinka. Waxaad lacag ka reeban kartaa biilkaaga adeegyada guriga marka aad u beddelato gaari gacan qashin oo ka yar. Si aad ugu beddelato gaari gacan ka yar waaxda Biilasha Adeegyada guriga kala xiriir lambarka 952-563-8726.

Yaraysa gaaska ama uumiga ku baxa hawada dhulka ku hareesan ee ah sida aqalka dhirta lagu koriyo

Walxaha noolaha ee ku qurmaya dhulka la geliyo qashinka ayaa dhaliya neefta methane, gaas xoog badan oo ku baxa hawada dhulka ku hareesan ee ah sida aqalka dhirta lagu koriyo. Qashinka noolaha ee loo leexiyo ridqista ama burburinta ayaa caawisa in la yareeyo neefta methane ee ka soo baxda dhulka la geliyo qashinka.

Wanaajisa ciidda oo dhawrta biyaha

Marka qashinka ridqan lagu daro ciidda, waxay yaraysaa baahida loo qabo bacrimiyeyaasha iyo sunta cayayaanka. Waxay weliba kordhisaa biyaha ay ciiddu xajiso, taasoo yaraysa biyaha ka qulqula iyo carraguurka wasakhayn kara biyaheena waxayna caawisaa in biyaha la reebo.

Taageerta dhaqaalaha degaanka

Warshadaha ridqista qashinka ee Minnesota ayaa lagu taageeraa qiyaas ahaan 700 oo shaqo waxaana ka soo baxda lacag dhan $148 milyan oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha guud sanadkii. Shaqooyinka lagu taageero warshadaha ridqista qashinka ayaa afar ilaa siddeed jeer ka badan hawlaha dhul gelinta qashinka marka loo eego halkii tan.

Ka caawisa degmada Hennepin County in ay gaarto hadafka in eber laga dhigo qashinka la geeyo dhulka la geliyo qashinka

Qashinkeena waxaa lagu tuuraa Xarunta Soo celinta Tamarta Hennepin (Hennepin Energy Recover Center, HERC) oo qashinka gubta si tamar looga helo. Walxaha ama shayada noolaha ee aan ka saarno qashinkeena ayaa ka dhigan in xarumaha sida HERC ay siyaado nooga caawin karaan in aan yarayno qashinka aan geyno dhulka la geliyo qashinka. Waxa intaa dheer, dhowr sababood ayay uga fiican tahay in walxaha noolaha loo diro xarunta lagu ridqo qashinka halkii laga gubi lahaa, waxaana ka mid ah in dib u warshadaynta qashinka nooluhu ay dhaliso qashin ridqan oo nafaqo badan iyo in gubidda qashinka noolaha ee qoyan aanay tamar fiican u lahayn xarumaha qashinka u beddela tamar.

Daawo fiidiyowga waxa lagu sameeyo qashinkayga noolaha si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho habsocodka ridqista qashinka noolaha.

Walxaha ama shayada lagu aqbalo dib u warshadaynta qashinka noolaha

Eeg bogga walxaha qashinka noolaha ee la aqbali karo si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.

Su'aalaha la is weydiiyo badanaa

Eeg bogga su'aalaha la is weydiiyo si aad macluumaad dheeraad ah u hesho.

Lacag reebo ama keydso marka aad yarayso qashinkaaga

Miyaad ogayd? Waxaad lacag ka reeban kartaa biilkaaga adeegyada guriga marka aad u beddelato gaari gacan qashin oo ka yar. Si aad ugu beddelato gaari gacan ka yar waaxda Biilasha Adeegyada guriga kala xiriir lambarka 952-563-8726.